Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka oo ku wajahan Kismaayo.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur  iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay u safraan Dowlad Goboleedka Jubbland.

Guddoomiye Cabdullahi Abyan Nuur wafdiga uu hogaaminayo ayaa ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo goob-joog ka ahaan doona doorashada Aqalka Sare ee senatarada ee ka dhaci doonta maalinta beri ah Magaalada Kismaayo ee Jubbland.

Dowlad Goboleedka Jubbland, waxaa hore ugu sugnaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsna guddigaas, kuwaas oo halkaas ka wado kulamo iyo dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare.