Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka biyo diiday doorashada Aqalka Sare ee Jubaland.

Guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray xaqiijinta in haweenka ay doorashada dadban ka helaan ugu yaraan qoondo boqolkiiba 30 ah, ayaa waxay ka biyo-diideen qaabka ay ku bilaabantay doorashada Aqalka Sare ee Jubaland.

Guddigaas ayaa sheegay inay qasab tahay in la raaco heshiiskii laga gaaray qoondada haweenka.

Batuula Sheekh Axmed Gaballe oo ah guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ayaa sheegtay in qaabka loo soo bandhigay doorashada Aqalka Sare ee Jubaland uusan waafaqsaneyn habraaci lagu dhaqan gelin lahaa xaqiijinta qoondada boqolkiiba 30.

Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu soo magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 13 xubnood kaas oo xaqiijin doona in haweenka ay doorashada dadban ka helaan ugu yaraan qoondo boqolkiiba 30 ah.