Dibadbaxyo looga soo horjeedo ‘weerarkii Garba Ciise’ oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagaga soo horjeedo dagaallada ka dhacay deegaanka Garba Ciise ee u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka waxay dhawaan sheegtay in maleeshiyaad kasoo jeedo gobolka Canfarta ay weerar Sabtidii kusoo qaadeen Garba Ciise halkaas oo ay dad shacab ah ku laayeen.

Ilaa hadda wax war ah lagama hayo dhinaca maamulka Canfarta oo ku saabsan colaaddan.

Maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba-ciise iyo deegaannada ku xeeran.