Banaanbax ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida (DDS) waxa maanta ka socda bannaanbax weyn oo looga horjeedo xasuuqa la sheegay in Canfartu ka gaysteen gobolka Siti.

Dibad-baxayaasha ayaa ka caraysan weerarkii Canfartu ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Garbo-ciise oo ka tirsan gobolka Siti, halkaas oo lagu laayay dad rayid ah.

Dumar iyo carruur badan ayaa sida la xaqiijiyay lagu laayay weerarkii u dambeeyay ee Canfarta ku qaaddeen tuulada Garbo-ciise, inkasoo markii dambe laga saaray.