Xubin ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isa soo dhiibay.

Muqdisho:– Taliska Booliska Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa goordhow isku soo dhiibay Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamuud oo magaciisa Afgarashada uu Yahay (Xudeyfa).

Xudeyfa wuxuu ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab gaar ahaan dhalinyarada la qalday, wuxuuna Alle mahadii gartay in hab Dhaqanka guracan ee Al-Shabaab uusan ahayn mid u adeega Diinta iyo Dhaqanka suuban ee islaamka.

Cabdirisaaq ayaa argagaxisada la shaqeynayay muddo lix sano ah.