Wasiirka Difaaca oo aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Wakiilo ka tirsan QM.

Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa wada hadal mira dhal ah aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka) kula yeeshay Ergada Qiimeynta Hawlgalka Qaramada Midoobay ee ku aadan ‘Rule of Law Sector in Somalia.

Wasiir Xasan ayaa carabka ku adkeeyay intii uu kulanka socday ahmiyadda iyo mudnaanta ay leedahay hirgalinta STP, iyadoo si wanaagsan loola jaan qaadayo dhammaan Wasaaraddaha ay khuseyso, isla markaana u baahan dhisidda awoodda hay’adaha Amniga.