RW Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Ingiriiska.

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu  joogo UK waxa la kulmi doonaa  Ra’isul Wasaaraha  UK Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale.