Ramlo Cali: Feeryahanada Soomaaliyeed oo looga adkaaday tartanka feerka.

Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka ciyaaraha feerka ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa looga adkaaday tartanka.

Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania ayaa uga guuleystay feerkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag.