Ciidamada Dowladda oo gacanka ku soo dhigay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Madaxii howlgelinta Al-Shabaab ee u qaabilsanaa gobolka shabeelada Hoose,. kaas oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan.


Ciidamada xoogga ayaa howlgalka si gaar ah ugu fuliyay deegaan lagu magacaabo Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale ciidamada xoogga ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka shabeellada hoose.

Howlgalka ayaa lagu qabtay seddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay hoobiyeyaal ku garaaceen degmada Awdhiigle.