Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Hub ay qabsadeen.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa soo Bandhigay Saanad iyo maydadka Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay Dagaalkii  ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanada Ciidanka howlgalada kawadaan ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay  inay la wareegeen Fariisimo ay Al-Shabaab kunsugnaayeen, welina ay Ciidamada howlgallada wadaan.