Maamulka Koonfur Galbeed oo soo gudbiyay guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo magacaabay guddiga baarlamaanka ee qaban doono doorashada Aqalka Sare.

Iyadoo maanta uu qorshaha ahaa inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayay u muuqataa in dib u dhac uu ku yimid qabashada doorashada.

Jubaland ayaa maanta lagu wadaa inay soo gudbiso liiska musharraxiinta u tartameyso 8 kursi ee Aqalka Sare ee taalla maamulkaas.