Taliska Africom oo Faah faahin ka bixiyay duqeymo ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa markale bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waana duqeyntii labaad afartii maalmood ee la dhaafay ka kadib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu kujirey howlgalka Washionton ee Soomaalia.

Duqaymaha Cusub ee Mareykanka ayaa ka dhacay maamulka Galmudug, sida lagu baahiyey war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Afrikoom waxaana lagu ku sheegay qoraalka in duqeynta ujeedada laga leeyahay ay tahay Baritaarida Militeriga Qaran.

Dhinaca kale Xoghayaha warfaafinta Pentagon John Kirby ayaa u sheegay wariyeyaasha in duqeynta jimcihii lagu qaaday meel u dhow tuulada Qeycad, kadib ciidamada Maraykanka loo fasaxay awoodaha ruqsadda adeegsiga xoog militari oo ka dhan ah Alshabaab.

Mr Kirby ayaa intaa ku daray hadalkiisa in ay siiwadi doonaan weerarada ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al shabaab islamarkaan ay mar walba dhinaca Cirka ka caawin doonaan Xoogaga Qaran ee haatan Al Shabaab kula dagaalamaya Deegaano ka tirsan Maamulka Gelmudug.

Dhankale hadalka Dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu imaaneyaa iyada oo Maalintii Shaley lagu sheegey war ka soobaxaya Dowladda Soomaalia lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Waa Markii ugu horeysey oo Ciidamada Mareykanka ay Duqeymo ka fuliyaan gudaha Soomaalia tan iyo intii uu talada la wareegey Madaxweyne Baydhan waxaase jirtey in Maamulka Madaxweyne Baydhan ay qorsheyneyeen wax kabedel lagu sameeyo qaab ay haatan ula dagaalamayaan Al shabaab iyo Kooxaxa kale ee lamidka ah.

Mareykanka haatan wax ciidamada ah kama joogaan Soomaalia marka laga reebo Saraakiil kooban oo katalabixiya weerarada mararka qaar ay qaadaan Diyaaradaha Darooniska ee Waashinton ee Beegsaneya Xoogaga Al shabaab.