Ra’iisul wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada London eeDalka Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu tago magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya shirka Caalamiga ee arrimaha waxbarashada, kaasoo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax kala duwan oo Afrika ka socda.

Dhanka kale Madaxda shirkan lagu casuumay ayaa ayaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.