Midowga Musharaxiinta oo taageeray go,aankii Rooble uu xilalka ugu qaaday Saraakiil ka tirsan NISA.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabadii uu Ra”iisul Wasaare Rooble xilalka ugu qaaday Saraakiil ka tirsaneyd Hey’adda NISA, Waxey fariin u direen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu horeyn Golaha Midowga ayaa taageeray go,aankii uu Ra”iisul Wasaare Rooble xilalkii ugu qaaday Madaxii Shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullaahi Kulane iyo Taliyihii NISA ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahab Sheekh.

Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo diiday in uu ka safro guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Nuur Macalimow.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareyn Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha 2021-2025: