Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano cusub kala wareegay Al-Shabaab.

Muqdisho:- Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa galabta weerar qorshaysan ku qaaday Fariisimo nabad-diidka Al shabaab kula haayeen deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa ayaa la wareegay saldhigyadii maleeshiyaadka Al shabaab ee deegaankaas, waxaana halkaas khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa guulo ka gaaray dagaalo ay maleeshiyaadka Al shabaab kula galeen Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoo ciidamadu la wareegeen Xarumo ay kasoo abaabuli jireen falalka ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaliyeed.