Kuraasta Xildhibaan nimadda ee lala kala cararayo, ma la iga fiiriyay waxa ku dhax jiro =Nasashada Jimcaha.Q- 262=

1. Xusein Marqaan ayaa yiri: Aniga oo marayo Deg. Xamar weyn meel u dhaw Saldhiga Police ka Afar irdood, ayaa Caloosha la iga qabatay. Luuq Saldhiga u dhaw ayaan ku leexday. waxaa Arkay Asgari Dusha iga fiirinayo. Saddax BAC oo jeebka iigu jirtay ayaan la soo baxay. Mid waan ku saxarooday, Lababa si fiican ayaa ugu Daboolay si aan meel Fog ugu tuuro.

Intii aanan Qashin qubka gaarin ayaa waxaa iga hor yimid Saaxiibkeey Ali Ganeey. Bacdii ayaan Gadaal ku aadiyay. waxa uu igu yiri: Habeen Hore Qaadkeeyga oo igu yaraa ayaan wax kaa siiyay. Adiguna Qaad intaan la eg ayaad iga qarsanee. Waxaan ku iri: Walaaloow Maanta iga raali noqo, Bacda Qaad kuma jiro Dad kale ayaana u wadaa Bacda. Si caro leh ayuu igu yiri: Beentaa, Bacdii ayuu iiga dafay, waana igala cararyay. ( F.S: 1aad).

(Kuraasta Xildhibaan nimadda ee lala kala cararayo, ma la iga fiiriyay waxa ku dhax jiro )
2. Waxaan Isbitaalka Qolka Gargaarka deg dega ah ee ICU-da ku soo Booqday saaxiibkeey Shiinees ah oo Xaalkiisu liidatay mana nuuxsan karin, Aniga oo kaliya ayaa Qolka kula jiray. Aad ayaan uga murugooday, waxa uu ku celceliyay CHI YA YUN ilaa uu ka dhintay. ma fahmin Dardaarankaa waxa uu ula jeeday

Geeridiisii kadib, Waxaan u safray Dalka Shiinaha si aan u ogaado macnaha Dardaarankii saaxiibkeey. Waxaan ogaaday in Chi ya Yun, Macnaheedu uu yahay “Tubada Oxygen-ka ayaad ku taagan tahay ee Ka kac. ( F.S: 2aad)

(Dadka Muqdishu, Dad aysan is Af aqaanin ayaa uga Rogo Tubadii Neefta Oxygen-ka)
3. Daa’uud yare ayaa Saaxiibtii Xaliimo, oo ey muddo wada socdeen ku yiri: iga raali noqo, weey noo kala dhamaatay, waxaan Bartay Gabar kaa wanaagsan, oo Reer Hodon ah ka dhalatay. Xaliimo ayaa ku tiri: oo xageed ku baratay?. waxaa uu yiri: Face Book. waxa ey ku tiri: Amina Zahra miyaa? waxa uu ku yiri: Adna ma taqaan, yaa ku baray. waxa ey ku tiri: waa magaca Labaad ee aan ku isticmaalo Face Book.

(Koo NN ka tirsanaa ayaa Saaxiibkii ku yiri: Saaxiiboow Anigu waan ka baxay NN, waxaan ku biiray Xiisbiga XYZ ee Mucaaradka ah. Saxiinbkii ayaa ku yiri: War Mooge, Xisbiga XYZ waa Branch ka mid ah NN)

4. Wiil yar oo la casheeynayay Aabihii iyo Hooyadii ayaa Cunto uu calanjiyay oo Afkiisa ku jirto ayuu soo tufay. Hooyadii ayaa ku tiri: waa Dhaqan xumo, wax aad Afka galisay, oo Faruuryahaaga dhaafay oo aad Calanjiday, oo Afka dhaxdiisa aad ku rogrogtay, marka ey Jilcaan kadib lama soo tufo.

Aabihii ayaa Yiri: Adiguba Xalay, markii aad jilcisay waad soo tuftay. yaah, war naga aamus Caruurta waxaa ha maqashiine. ( F.S: 3aad)

( Siyaasiyiintii Soo magacaaqday Ciyaalka Gudiga Doorashada, ayaa ku yiri: Ciyaaloow, Cadaaladaa la rabaa, Kursi Lacag lagu bixiyay ha ansixinina. Mid ayaa yiri: Waad na magacaawday Mahadsanid, Laakin Adiguba Kursiga aad ku fadhido soow Shalay Lacag kuma bixin. Annagu “One Time use” ayaanba nahay ee Dubab ayaa Dollar qaadanyo oo ku Daraja beelay)

5. Waa muhim in aad Caradaada Xakameey kartid. Muuse Wasiiri, ayaa waxa uu aad uga carootay Gabadhii Saaxiibtii aheyd GF. isaga oo aan weli xakameeyn caradii ayuu Gurigiisa tagay, waxa uuna uga dacwooday Xaaskiisii oo aanba la socon GF. Hadda Muse waxa uu ku jiraa Qolka 14 aad ee Isbitaalka Shifa, Sariirta 6aad. ( F.S: 4aad)

(Qoyskii Ikraan Tahliil Farax oo Caradii ka badatay, ayaa waxay u dacwoodeen Kii ay ku tuhmayeen iyo Xildhibaan ma xishoode, Xad laawe )

6. Caasho oo careeysan ayaa Waxa ey Sariirta hoosteeda ka soo bixisay Saddax xabo oo “Condom ah”, Cinjir. Kuna tiri Ninkeeda: waryaa Condomka aad noo keentay waxa uu ahaa 6 xabo. hal Xabo Habeen Hore ayaan isticmaalnay, haddana 3 kaliya ayaa ku jirto, aaween Labadii kale?.

Axmed oo arrintu ku xumaatay ayaa yiri: Wiilkaan Doobka ah oo deriskeena ah ayaan xalay Laba xabo siiyay.

Caasho: ayaa si caro leh u soo Booday kuna tiri: Beenloow, Wiilkaan deriska ahi maba isticmaalo Condom. ( F.S 5, 6 & 7aad)
Axmed: Yaah, i sii warka.( …………………………………….)

FG: Hala yaabin, Haddii Nasashadu Caawa ku cajabi weydo, Asaxaabta ha ka baaqan Caawa ayaan is iri, Dayaarad dhaxdeed ayaan ku qoray, Dhulka si fikerkeyga aan ugu qoro waan Aqaan Laakin, Cirka….. Waxaan xasuustay.

” Kabaligu, Dooli ayuu ahaa intuuna ku biirin,Ciidanka Cirka- Air defence force” .kkkkkk. Ma fahamtay)

Qore: Yahya Amir