Duqeyn ka dhacday inta u dhexaysa Xarardheere iyo Qaycade oo lala beegsaday Al-Shabaab.

Muqdisho:-Ciidamada Xoogga Dalka Danab iyo bahwadaagtooda ayaa maanta mar kale jab culus u gaysteen argagixisada Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya goboladaa Mudug iyo Gaalgaduud.

Saakay barqadii abbaaro 10:21, meel u dhaxeysa magaalada Qaycad iyo degmada Xarardheere ayaa duqeyn cirka ah lagula beegsaday argagaxisada Al-shabaab.

Duqeyntaan ayaa lagu fuliyay kooxda Al-shabaab iyo hubkooda,mana jiraan wax dhibaato ah oo shacabka halkaa ku dhaqan ka soo gaaray duqeyntaasi.

Ciidanka XDS ee Danab ayaa haatan u ruuqaansaday inay ka sifeeyaan haraadiga Alshabaab ee ku harsan deegannada Galmudug.

Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ee Danab marnaba aysan joojin doonin baacsiga Al-shabaab ilaa kooxdaasi laga sifeynayo goobaga ay ku dhuunaaleysanayaan.