Dakhli ay DF Somalia heli jirtey oo kordhay & hal caqabad oo xallin u baahan….

Muqdisho:-Somalia oo leh Badwayn ka mid ah kuwa lagu tilmaamo inay weli ”bikro” yihiin marka la eego dhanka kalluumaysiga ayaa muddo dheer la tacaalaysa kalluumaysi sharci darro ah oo lagu hayo kaydkeeda dabiiciga ah.

Hal arrin oo arrinta sii ragaadinaysa waa dowlad la’aantii muddada dheer soo jirtey iyo hadda oo ay dowladi jirto balse ay tabar daran tahay, sidoo kalena ay liitaan wada shaqaynta iyo heshiiska madaxda Somalia, iyadoo ay Maamul-goboleedyadu bixiyaan rukhsado aysan xaq u lahayn, maadaama baddu ay tahay mas’uuliyadda DF.

“Waa sharci darro inuu Maamul-goboleed bixiyo shati kalluumaysi, DF Somalia ayaa ah cidda qura ee taa go’aamin karta.” ayay tiri Wasaaradda Kalluumaysiga oo sheegtay inay sharci arrintan kasoo saarayso DF kaddib doorashada soo aaddan ee Oktoobar.

Waxay kaloo Wasaaraddu sheegtay in shati bixin ay iyadu bilowday ay mira dhashay, iyadoo ay kordheen maraakiibta ay laysinka siisay oo 30 ka yaraa 2018-kii, balse haatan ka badan 55 markab 2021.

DAKHI KORDHAY – Waxaa sidoo kale kordhay dakhliga saafiga ah ee Wasaaradda kasoo gala shatiyadaas iyadoo $3 milyan ka heshay 2020 isla markaana filaysa in dakhligaasi gaaro $10 milyan oo doollar marka ay wax kasta dhamaadaan, taasoo aad uga badnaan doonta $1 milyan oo kasoo xarootay 2018-kii.

Yeelkeede, DF Somalia iyo Maamul-goboleedyadu waxay weli u baahan yihiin in laga wada xaajoodo qaaciddada lagu wadaagayo khayraadkaas, kaddib markii ay Maamullada qaar horay u diideen heshiiskii khayraad wadaagga, taasoo mar walba caawisa in kalluunka dalka la iska jillaabto.

Wasaaradda ayaa horay u adeegsatey hannaanka qabta sawirrada fog ee AIS oo Satelite-ka ku xiran, kaasoo xitaa lagu ogaan karo magaca markabka iyo halka uu ka yimid ama diiwaankiisa guud, waxaana si gaar ah isha loogu hayey tan iyo bishii Abriil ee sanadkan.

Somalia ayaa u baahan inay iyadu kalluunkeeda ilaashato kaddibna jillaabato iyadoo dhisan karta kaabayaal ku filan kaydinta iyo iib gaynta kalluunkeeda oo balaayiin doollar markaa laga heli karo sanadkii, balse siyaasadda hanka yar ee kumannaanka doollar ee uu qof gaar u qaato ku dhisan ayaa aragtidaa xabaalo nololinaysa.