Mucaard iyo Muxaafadba hadeey Sharcigii Dalka jibinayaan, maxaa Shacabka lagu eedeeynayaa? =Nasashada Jimcaha. Q-256=

1. Nin ayaa yiri: 3 Farxad ayaa i soo martay, Laakin, Laakin.
a). Naag aad u Qurux badan ayaa Xaafadeena lagu soo aroosay,
b).Naagtii 4 sano kadib ayaa la furay, waxaan ku fekerayay mar uun meey kula hadasho.
c).Maalin ayeey Makhribkii kadib Albaabka ii soo garaacday.waxa ey ugu tiri: Waxaan ku daalay Guriga fadhigiisa, waxaan rabaa in aan 2 Saac soo warwareego oo aan banaanka ka soo casheeyo.
Firaaqo ma leedahay ? waxa uu ku iri: HAA, HAA. waxa ey tiri:wixii aan kaa codsado ma ii sameynee? waxa uu ku yiri: HAA. ballan miyaa haa? HAA.
waxa ey igu tiri: Caruurta ii sii fiiri inta aan ka soo noqonayo, si gaar ahna kan yar. ( F.S:1aad).
( Siyaasiyoow, HAA-da badan ee aan la iska hubsan, waxay keentaa HAA aadan ka noqon karin, aadna ku ceeboowdo. Xukun ma rabtaa? HAA. Ma ku caawiyaa?. HAA. Saaxiibo daacad ah ma isku nahay? HAA, haddii aan go’doon noqdo jid ma ii furee waddo? HAA, Dekadaahaga i sii, Ciidan badneed oo aan bad leheyn ayaa ii diyaar ahe.
HAA- da, hore oo aan la iska hubsan, waxey ey kugu geeysaa meel MAYA mudan, laakin aadan MAYA dhihi karin, iska jir hee).
2. Nin ayaa yiri: waddada ayaan ku arkay islaan waayeel ah, oo Gabar yar oo 4 jir ah ka daba qeylinee oo leh Naayaa PhD i sug. Waxaan ku iri: Maxaad PhD ugu bixisay. waxa ey tiri: Waxaan u ahay Ayeeyo, Hooyadeed ayaa igu tiri: Waxaan dibadda u aadayaa wax barasho ilaa PhD, 5 Sano kadib ayeey soo noqotay iyada oo aan Shahaado wadan oo wadato gabadhaan oo kaliya. ( F.S: 2aad).
(Wixii waalidkaa kuu diray ha ka weecan, oo Shahaado wareerisa Waalidka ha u keeneen, Haddii aad tahay Arday waalidkii u diray wax barasho).
3. Nin ayaa Gurigiisa ku soo noqday markuu shaqadii ka yimid, waa qubeystay Dharkii shaqada ayuu iska bedelay, waxa uu soo fadhiistay Miiskii qadada. Xaaakiisii ayaa ku u keentay Qado aad u macaan, oo maanta oo dhan ey u diyaarineysay.
Isaga oo ku xumeynayo ayuu ku yiri: Maanta in aan Makhaayadda soo maro ayaa ii fiicneyd, Qadadaadu iima dhadhameeyso.
Waa istaagtay, waxa ey wacday “Covid Hotline”, waxa eyna ku tiri: Ninkeyga Dhadhankii ayaa ka tagay. waxaa timid “Ambulance”. Waa la qaaday Ninkii. Hadda waxa uu ku jiraa 14 Cisho oo “Guarantine” ah, si loo hubiyo Caafimaadkiisa.( F.S: 3aad)
( weligaa Qado Xaaskaagu kuu keentay wax haka sheegin, Hadii kale!!!)
4. Axmed Yare ayaa Xaaskiisii Caasha Maseeyr ku yiri: Haddii aan dhinto Gadaasheeyda Nin ma guursan leheyd?
Caasha Maseyr ayaa ku tiri: Maya, Walaashaa ayaa la dagi lahaa, si ey ilmaha ii la koriso oo Farxad aan ugu wada noolaano.
Caasha Maseyr ayaa Axmed yare weydiisay, Adigu Geerideeyda kadib ma guursan leheeyd? waxa uu yiri: Maya, Walaashaa ayaa la dagi lahaa, si ey ilmaha ii la koriso oo aan Farxad ugu wada noolaano.
Yaah, yaah, waxaa la ii sheegay in Axmed yare Tacsidiisii ey tahay Axadda soo socoto.
( weligaa Jawaab Qof ku siiyay ha koobin, ee aragtidaada toos uga hadal).
5. Nin doob ah iyo Saaxiibkii oo xaasle ah ayaa kulmay.
Doobkii: Dowldu waxa ey soo saartay sharci Bando,”Lockdown”, Habeenkii 10 ka kadib lama socon karo. Laakin, saaxiibteey sideey ii jeceshaahay wey soo dhuumatay.11 ayeyna ii timid.
Xaaslihii: Haddii Saaxiibtaa ey kuu timaad wakhtiga “Lockdown” ka, ha guursan.
haddii Dowladii celin weyday, berri Sideed Adigu u Celinee.
Xaaslihii: Anngu xalay waxaan ku dhafray Xaaskeyga oo fool aheyd.
Doobkii: Caruurtii dhalatay 1jan 2020 ilaa June 2021 lama siinayo warqada dhalashada, mana aha Muwaadiniin, waalidkooddna waa khayaaneen Wadanka. ma fulin Sharcigii Dowlada ee “Social distance” kala Fogaanshaha 2 Mitir wakhtiga Covid 19, haddii Dowlada amarkeedii aad khiyaanteen Adiga iyo Xaaskaagu oo aadan sharciga kala fogaanshaha dhowrin, saaxiitkeey maxaad ku eedeynee.
( Mucaard iyo Muxaafadba hadeey Sharcigii Dalka jibinayaan, maxaa Shacabka lagu eedeeynayaa?)
6. (wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe). Naag Hindi ah ayaa saaxiibkeed ku tiri: Marka aan Romantic sameyneyno Fartaada hoos ha ugu fogeeyn ama Faraatiga ka saar fartaada, waa i mudmudayaa Faraatigu. waxa uu ku yiri: Faraati ma wato ee waa Saacadeydii. ( F.S: 4aad)
( Daa’uud ayaa yiri: Ciidanka Asluubtu Far farteteynta haka dhaafeen Sharciga iyo Shubta. Cabdi ayaa yiri: Xabsiysada miyaa dhibaato Ka jirtaa? Ow Malaaq ayaa yiri: Maya, Xabsiga ma ogi, ee Xaafadaha Laba Xaamar ayey u gudbeen oo waa leeysku Shubaa )
Qore: Yahya Amir