Ciidanka Itoobiya oo ka baxay deegaano ka mid ah Koonfur Galbeed.


Ciidamadii Itoobiya ka joogay Gobolada Bay iyo Bakool,ayaa dib ugu laabtay gudaha Dalkooda.

Ciidamadan,ayaa gurmad xoojin ah unoqonaya dagaalada Ciidanka Milatariga Itoobiya ka wadaan gudaha Gobolada Tigreega iyo Oromada.

Dhanka kale cabsi xoog leh,ayaa soo wajahday Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo Ciidamadan fariisin u ahaa sanadadii danbe.