Wasaaradda Caafimaadka XFS oo bilowbday qeybta 2-aad tallaalka ka hortagga Covid 19

 

 

 

 

 

Muqdisho:-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in dalka oo dhan  laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Covid 19.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayaa lagu sheegay in la adkeeyo wacyigelinta ku aadan adkeynta nadaafadda,gaar ahaan qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha dadka.

 

 

 

 

 

 

Qoraalkaan ayaa lagu xusay in dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtii hore loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo Sinoofam,kaas oo WHO ay u  aqoonsatay in loo isticmaali karo ka hortagga Covid 19.