Hay’adda tacliinta sare ee Turkiga oo aqoonsatay 41 Jaamacadood oo laga leeyahay Soomaaliya.

Hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga (YOK) ayaa aqoonsatay 41 Jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya kuwaas oo uu aqoonsaday Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare sida ku cad soo Liiska Jaamacadahaan.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo marin u ah safarka Ardayda Soomaalida ee Waxbarashada u aadda Dalka Turkiga si ay uga qaataan Dal ku galka (Visaha) ayaa lagu wargeliyay magacyada Jaamacadaha aqoonsiga ka helay Guddiga qaran ee Tacliinta sare.

Liiska 41 Jaamacadood ee aqoonsiga helay ayaa kala ah:

recognized Universities

Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ayaa Wargelin u diray Jaamacadaha ku yaalla Gobollada Dalka in ay la xiriiraan muddo ku siman 05/06/2021, haddii ay dhaqangelin waayaan amarkaas laga qaadayo Tallaabo sida lagu sheegay Xaanshida.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn  Guddiga Qaranka  Tacliinta Sare.

Hadaba Waxaan ka codsaneynaa  inay  la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu  dambayn 05/06/2021.

Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka  waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan”.