Maadada Technology-ga ee lagu darey manhajka Soomaaliya oo ay cabasho ka timid.

Sanadkan manhajka Soomaaliya waxaa ku cusub ee Imtixaanaadka shahaadiga ee fasalka sideedaad maadada technology-yadda.

Wasaaradda waxbarashada ayaa kusoo dartey maadadan manhajka waxbarashada Soomaaliya, balse barashadeeda waxey caqabado ka heystaan ardeyda. Maadaadan waxey u baahan tahay qalabka computer-rada.

Maamulaha iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee Cumar binul maamule Cabcasiis Cilmi Cabdulshakuur Warsame, ayaa sheegay in maadadan ay muhiim u tahay dhammaan ardeyda, laakiin ay jirto baahi dhanka agabka ah.

Maamule Cilmi ayaa intaa raacey in waqti xaadirka la joogo qofkii aan wax uun ka garaneyn technology-yadda, inaanu la jaan qaadi Karin nidaamka waxbarashada.

Yaxye Cabdulqaadir Cabdulle, waa ardey dhigta iskuul ku yaalla Gadoon, oo ah deegaan u dhaw magaalada Dhuusa Mareeb, ayaa sheegay iney aad u daneynayaan barashada maadadan, ha yeeshee duruufo qalab la’aan darteed aaney u baran karin.

Wasiirka waxbarashada maamulka GalMudug Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa qirey iney jiraan caqabadaha ay ka cabanayaan bahda waxbarashada.

Balse wuxuu intaa ku darey wasiir Dhoore iney ku dadaalayaan in wixii karaankooda ah ay ka qabtaan cabashada ka timid bahda waxbarashada ee agab yarida.