Haweeney Koonfur Afrikaan ah oo hal mar dhashay 10-Caruur ah=Waa Awoodda ALLE ALLAAHU AKBAR=

Haweeney u dhalatay Koonfur Afrika ayaa Hal mar wada dhashay 10 caruur ah, taasoo jabisay rikoorkii Adduunka (Guinnes World Record) oo ay Haweeney reer Morocco ah horey u haysatay Caruurta ugu badan ee dhasha mar qura.

Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah kana soo jeedda Gobalka Gauteng ee South Africa, ayaa dhashay Toddobo wiil iyo Saddex gabdhood kadib qaliin lagu sameeyey.
Thamara, ayaa horey Pretoria News ugu sheegtay in uurkeedu yahay mid dabiici ah maadaama aysan ku jirin wax daaweyn bacrimin ah.

Hadda waa Hooyada 100-suul & 100-farood.

Xuquuqda Sawirka: Thobile Mathonsi / Wakaaladda Wararka Afrika (ANA).
Abdulrazak IndhaJaceyl