Waa kuma ciyaaryahanka horyaalka ingiriiska ka dheela ee isha bidix laga qalay?

Xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Kevin de Bruyne ayaa qalliin fudud looga sameeyey wajiga kaddib dhaawac soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee champions league-gga.

Ciyaaryahankan 29 jirka ah ee u dheela kooxda Manchester City, ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray sanka iyo isha bidix kaddib markii ay isku dheceen ciyaaryahan-ka kooxda Chelsea u dheela ee Antonio Rudiger, ciyaartii kama dambaysta ahayd ee champions league-gga.

“Qalliinkaan wuxuu qaatay 20 daqiiqo oo kaliya,” ayuu yiri tababaraha xulka qaranka ee dalka Belgium, Roberto Martinez. “Si fiican ayuu dhacay qalliinku, si habsami leh ayuu u dhacay.”

Kooxda kubadda cagta qaranka ayaa ka mid ah kooxaha ugu ciyaar fiican caalamka, xiddigan De Bruyne-na wuxuu ka mid yahay ciyaaryahannada laf dhabarta u ah xulka qaranka dalkaas.

“Qalliinkani wuxuu ahaa mid laga maarmaan u ah mustaqbalka ciyaaryahanka,” ayuu yiri tababare Martinez. Asagoo intaas ku daray “in ciyaaryahankan uusan u baahnaan doonin soo kabasho fara badan.