SHEEKO KA TAAGAN DALKA SOUTH AFRICA!!!.

Waxaa wali la baadi goobayaa ugu yaraan Labo Yaxaas oo qeyb ka ah Raxan Yaxaasyo ah oo ka baxsaday Beero ku yaalla Bonnievale oo ka tirsan Gobalka Western Cape.

“Baxsashada waxaa sababay yaxaasyada oo helay meel liidata oo ah xayndaabka daafaha mid ka mid ah xeryaha, yaxaasyada ayaa caan ku ah baxsashada,” ayuu yiri Anton Bredell, Western Cape MEC ee Dawlada Hoose u qaabilsan Arrimaha Qorshaynta iyo Horumarinta Deegaanka.

51 ka mid ah waa la qabtay, 32 nolol ayaa lagu qabtay, Laba yaxaas oo kale ayaa wali lagu raad joogaa, waxayna Saraakiisha Dowladdu ku wargelinayaan dadka ku nool Magaalada Cape Town iyo Nawaaxigeeda inay feejignaadaan ayna soo wargeliyaan haday arkaan Raadadka Yaxaasyada.

Warkan Waxaan kasoo xigtay Wakaaladaha Wararka ee Koonfur Afrika.

WD: Abdulrazak IndhaJaceyl