Hindiya iyo shirkadda Twitter-ka oo khaati kala taagan.

Xukuumadda Hindiya ayaa sheegtay in shirkadda twiter-ku ay haysato fursaddii ugu dambaysay ee ay ugu hoggaansamayso xeerarka cusub ee technology-yadda caalamiga ah ee dalkaasi uu soo rogay, xeerarkaas oo looga golleeyahay in shirkadaha baraha bulshadu ay noqdaan kuwo lagula xisaabtami karo qoraallada ay tir tiraan.

Masuuliyiiinta dalkaas ayaa shirkadda twiter-ka uga fadhiya in ay soo magacaabato qof masuul ah oo shirkaddaas u qaabilsan wax ka qabashada cabashooyinka ka jira gudaha dalka Hindiya. Waxayna sheegeen in haddii shirkadda twitter-ku ay arrintaas u hoggaansami waydo ay la kulmi doonto cawaaqib aan la mahadin.

Boggaan internet-ka ah ayaa waayadaanba la daalaa dhacayey dagaal uga imaanayey dhanka xukuumadda Narendra Modi ayadoo maamulkuna uu codsanayey in shirkaddu ay qaaddo tallaabooyin hoos loogu dhigayo qoraallada dhaliilaha xambaarsan ee dowladda ka dhanka ah.