Birta Canjeerada Soomaaliya iyo Tan Itoobiya tee ku Fiican in Canjeerada lagu dubo?.

Ganacsade kasta waxa uu jecelyahay in wuxuu soo saaro uu suuq u helo. Farsamooyinka Ganacsatadu isticmaasho waxaa ka mid ah: ii dheh iyo Xayeysiin, mid toos ah iyo Mid dadban. Si Qofku uu u aamino in Badeecadaadu ey ka fiican tahay kuwa la Midka ah. in Maskaxda iyo Ogaalka Qofka aad ku shubto inay u fiican tahay inuu Badeecadaada iibsado.

Dalka Ethiopia waxaan ka baranay Canjeerada, Laakin waxaan ka sameeysanaa Dalaga Annaga noo baxo. waxaana ku dubanaa Bir Canjeero oo ey Farsama yaqaanadeenu noo sameeyaan.

Hadda maxaa is bedelay?

Waxaa Dadka laga Dhaadhiciyay in Birta Canjeerada lagu dubo ee Ethiopia laga keeno ey ka fiican tahay teena. Markii aan weeydiiyay Dad badan waxay ii sheegeen inay isku mid yihiin, Canjeerada lagu dubana ey isku dhedhen tahay. Anna waan soo hubsaday.
waxaa ii muuqatay:

1. in Ganacsato Danleey ihi ey Maskaxda naga xaday.

2. in Farsama yaqaanadii Somalida ee Biraha tumi jiray, ee Suuqyada Gudaha ku sameeyn jiray Birta Canjeero shaqa la’aan la dhigay.

3. iyo in Ethiopia aan Lacag adag uga soo iibsano Bir Canjeero.

Cid kasta miyaan suuq u noqoneynaa ? Farsama yaqaanadeenii miyaan shaqa la’aan dhigeeynaa?.

Yaanan maskaxda nalaga xadin oo aan Suuq nalaga dhigan.Farsama yaqaanadeena yaan shaqa la’aan la dhigin.waa iga Talo.
Arrintaan, Sideed u aragtaa Adiguna?

Qore: Yahya Amir