Soomaaliya oo Kenya ku eedaysay weerraro aan loo meel dayin inay ka gaysatay gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay wax ay ku tilmaantay weerrar aan loo aabba-yeelin oo ay sheegtay in ciidammada Kenya ay ka gaysteen gudaha dalka kuwaas oo si ay hadalka u dhigtay lagu beegsaday dad rayid ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka oo aan loo meel dayin ay diyaaradaha Kenya ka gaysteen saddexdii bishaan Juun deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, kaas oo ay sheegtay inuu sababay dhimasho iyo naafeyn dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween.

Warkan ka soo baxay xalay wasaaradda arrimaha dibadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka Kenya ay gobalka Gedo ka gaystaan dhimashada dad rayad ah oo ay caruur iyo haweenba ku jiraan.

“Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar

Ciidamada xoogga dalka ee dalka Kenya ee loo soo gaabiyo KDF ayey dowladda Soomaaliya ku eedaysay kala sooc la’aan dadka rayadka ah iyo kooxahaha xagjirka ah .

“Waxaa muuqata inay sii kordheysa daandaansiga iyo kala sooc la’aanta ay ciidamada KDF ay howlgalada ka fuliyaan Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka xagjirnimada, waxna ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada.”

Bayaanka ayaa dhanka kale lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu baaqeyso “AMISOM inay fuliso waajibaadkeeda sida ku cad farqadda OP18 ee xafiiska UNSC ee AMISOM si loo xoojiyo isku mid ahaanta soo tebinta khasaaraha rayidka iyo in lala shaqeeyo hay’adaha DFS, si ay ula socdaan falalkan foosha xun ee fuleynimada ah ee lagula kacayo bulshada.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in “Falalkan rabshadaha ah waxay diiradda saarayaan muhiimada doodaha socda ee ku saabsan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya iyo nooca, qeybaha howlgalka Midowga Afrika ee 2021-ka.”

Dhankeeda dolwadda Kenya ilaa iyo hadda kama aysan hadal eedaynta dolwadda Soomaaliya ee la xiriirta duqeymaha diyaaradaha dagaalka kenya ay ka gaysteen qaybo ka tirsan gobalka Gedo, hase yeeshee waxaa ay arrintaani imaanaysaa iyadoo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanayay toddobaadyaii la soo dhaafay taas oo keentay in Kenya ay joojisya guudahaan duulimaadyadii rayadka ahaa ee tagi jiray Soomaaliya.

Khamiistii ayey aheyd gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ee Soomaaliya, Sahal Macaliin Aadan, uu BBCda u sheegay in duqaymo dhanka cirka ah oo diyaarado dagaal ay habeenkii halkaas ka gaysteen kuwaas oo uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Xigasho:BBCSomali