Haya’adda FAO oo ka digtay Ayax kusoo fool leh Soomaliya.

Moqdisho:-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay raxan Ayax ah oo la filayo inay ku soo degaan qaybo ka mid ah dalalka  Itoobiya iyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxa lagu sheegay in kastoo meelo kamid ah Soomaaliya & Itoobiya uu ka da’ay roob taasina ay yareysay cabsida laga qabay ayaxa ayaa hadana waxaa laga cabsi qabaa in Soomaaliya & Itoobiya markale lagu arko ayax fara badan oo dhibaatoyin kala duwan geysta.

Hay’adda FAO ayaa saadaalisay saameynta uu bariga Itoobiya & Waqooyiga Soomaaliya  ka geystay Ayaxa, sidoo kalena labada dal uu Ayaxa kuso wajahan yahay dabayaaqada Bisha aan kujirno ee Jun.

Dhowr jeer oo hore ayaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya meelo badan oo kamid ah waxaa ku habsaday Ayax  farabadan, kaas oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo baxayay Beero ku yaal Koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya.