Diiwaangalinta codbixiyaha Doorashooyinka Puntland ee degmadda Eyl oo lasoo gaba-gabeeyay.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gabeeyeen diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Puntland ee degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal, taas oo socotay 19-May ilaa 4-June oo ku beegnayd jimcihii.

Diiwaangalinta ayaa ka dhacday gudaha degmadda Eyl, iyo deegaanada iyo miyiga hoostaga. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in shaqaalahooda ay tageen dhulka miyiga fog ah ee degmadda Eyl ayna diiwaangaliyeen dadka Reer guuraaga ah, si ay u helaan xaqooda Dastuuriga ah.