Caalamka oo looga dabaaldagay Maalinta Deegaanka ee xuska 5-ta June.

Maanta oo kale Shanta bisha June ayaa waxaa caalamka laga xusaa maalinta degaanka Adduunka (World Environment day), iyadoo dal waliba uu ka hadlo dhibaatooyinka soo food-saaray degaankiisa iyo horumarrada laga gaaray.

Degaanka oo ka ballaaran inta aynu naqaan ama ay dhaayuhu arkaan ayaa ah amhiyadda ugu weyn ee aadmiga iyo noolaha kale, maaddaama aysan la’aantii nololiba jirteen.

Waxaana sidaa daraaddeed xil weyn iska saaray ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa Aadanaha koonka ku dul nool, isagoo gudanaya waajibaadka uu Rabbi ka saaray ee ah inuu dadku ka yahay Khalliif ama hoggaamiye Adduunka, waxaanay iyagoo taa ka duulaya qabtaan waddamada caalamka kulamo looga hadlayo degaanka iyo isbeddelka cimillada.

Haddaba iyadoo diiradda la saarayo muhiimadda uu degaanku u leeyahay Aadmigu ayay Qaramada midoobay markii ugu horreeysay 5-dii June 1972 ku qabatay shir ay ugu magacdartay (United Nations Conference on Human Environment) magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waloow aysan kulankaasi ka qeyb galin waddamada dunida saddexaad oo aan u arkayn xilligaasi inuu muhiimad u leeyahay iyaga.

Inkastoo 1972-kii kadib ay magac bixinta maalinta degaanka Adduunka soo martay marxalado kala duwan ayaa mar kale waxa ay QM shir kale ku qabatay magaalada Rio de janeiro ee dalka Brazil bishii June 1992-kii, kulankaas oo ahaa kii ugu ballaarnaa oo looga hadlo arrimaha degaanka waxaa ka qeyb galay 178 hoggaamiye dowladeed iyo hay’ado caalami ah.

Sanadkaas waxa uu ka mid ahaa waayaha madoow ee soo maray dalkeenna Soomaaliya, sababtoo ah ma jirin cid matasha oo shirkaasi ugu qeyb gashay iyo cid kusoo hadal qaadda marxaladaha ay ku sugnaayeen degaannada kala duwan ee Soomaaliya iyo waxa ka jiray.

QM waxay shirkaas ay Soomaaliya bannaanka ka ahayd kasoo saartay ajende ay ugu magic dartay Agendaha 21, oo ah xeer illaa iyo maanta looga dhaqmo dunida marka laga hadlayo arrimaha degaanka, kaas oo ah mid loogu talagalay in Qarnigan 21-aad lagu dhowro laguna horumariyo degaanka dunida, halka Soomaaliyana ay ahayd mid cagaha lasii galaysay dagaallo sokeeye .

Degaannada Soomaaliya ayaa wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii waxay ahaayeen meelaha dunida loogu jecel yahay bad iyo berriba, waxay lahayd hawo macaan oo nadiif ah, cimillo deggen oo dhex-dhexaad ah, dhul barwaaqo ah oo ku habboon beerashada iyo dalxiiska, Ugaar kala duwan, dhir kala jaad ah, xeeb aad u dheer, waxay sidoo kale ahayd meel ay ku kulmaan laba bad oo ay ka buuxaan kheyraad fara badan.

Burburkii ka dib Soomaaliya waxaa degaannadeenna bad iyo Berriba lasoo gudboonaatay ayaan darradii ugu weynayd oo ay ka mid ahaayeen Dowlad la’aan, daryeel la’aan iyo dayac u nugleeyay inay nacab waliba u noqdaan baylah.

Nasiib darro,  marxaladihii adkaa ee ay bulshadu gashay awgeed waxaa dalka ka billowday kooxo kala duwan oo ka ganacsada Dhuxusha, kuwaas oo qaarkood abaabulan haystana awoodo ciidan una dhoofiya qaar ka mid ah waddamada Khaliijka.

Xaalufka ku yimid dhirta iyo keymihii waaweynaa awgeed waxaa dalka ka dhacay roob yaraan badan oo sabab u noqday abaaro soo laalaabtay, kuwaas oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo badan, dhaliyayna qax iyo barakac, taas oo muddo kooban gudaheed ku beddeshay muuqaalkii quruxda badnaa ee degaannadeenna.

Duurjoog badan oo ay Soomaaliya caan ku ahayd ayaa dalka ka hayaamay, iyadoo qaar badan oo ka mid ihi gashay waddama deriska, halka in badan oo ka mid ahna loo manaafacaadsado si xad ka bax ah maaddama aysan jirin dowlad il gaar ah ku eegta iyo hay’ado iska xil saara ilaalintooda.

Soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaa sidoo kale ka billowday badaha Soomaaliya kooxo abaabulan oo wata Maraakiib waawyn, kuwaas oo qashinka kasoo hara waxyaabaha ay Wershadahooda farsameeyaan ku daadiya Xeebaheenna, iyagoo sidoo kale jiriif ba’an ka geysta biyaheenna kana gurta Kalluunka qaaliga ah, Ugxantiisa iyo Macdanno kale.

Inkastoo dowladda FS aysan lahayn awood ay ku daboosho baahiyaha ku gedaaman hanashada iyo ka warqabka degaanka, sida ilaalinta dhirta iyo duur-joogta, ka hortagga xaalufka iyo la tacaalidda abaaraha, haddana dedaal badan ayay ugu jirtaa soo celinta awooddii dowladnimo iyo waxyaabihii bud-dhigga u ahaa degaan dhowrka.

Hay’adaha iyo xeel dheerayaasha kale ee ku taqasusay degaanka iyo wax ka qabashadiisa sheegeen in hanashada degaanka ay gundhig u tahay dowlad xoog leh oo ay u idil yihiin imkaaniyaadkii u fududeyn lahaa wax ka qabashada degaanka dalkeenna.