Xisbiga Waddani oo hoggaaminaya doorashada Baarlamaanka Somaliland.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada Somaliland ee Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa muujinaysa in xibsiga mucaaradka ah ee Waddani uu hoggaaminayo doorashada, isagoona ka helay 21 Xildhibaan Gobalada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Awdal oo natiijadooda la shaaciyay.

Saddexda xibsi siyaasadeed ee Somaliland ayaa Xildhibaanada ka imaanaya Gobalada Awdal, Togdheer, Sool iyo Sanaag u kala helay;

Ucid: 13Kursi

Kulmiye: 18 Kursi

Waddani: 21 Kursi