Mas’uul hadda ka hor loo xiray u ‘ololeynta Soomaali weyn’ oo ku soo baxay doorasho.

Siyaasiyiin dhawr ah oo ah kuwo laga yaqaano Somaliland, ayaa ku guuleystay xubnihii ay u tartamayeen ee doorashadii Golaha deegaanka iyo Golaha Wakiilada.

Waxaa kamid ah siyaasiyiintan Yaasiin Xaaji Jaamac “Faratoon”, oo kusoo baxey xisbiga Kulmiye, Cabdulrasaaq Khaliif Axmed oo isna kusoo baxey xisbiga Wadani.

Waxaa kaloo jira siyaasi kale oo isna ku guuleystay xubinti uu u tartamayey ee Qaasim Aadan Saleebaan Cali, kaasoo ku tartamayey xisbiga Wadani ee gobolka Sool.

Siyaasiga Qaasim ayaa dhawaan waxaa xirey booliiska Somaliland, isagoo lagu eedeeyey inuu u ololeynayo Soomaali weyn.