Inta is tiraa Cadaaladaa jirtee Raadi yaan isha lagaa mudin oo ha noqon…..=Nasashada Jimcaha. Q-255=

1.Xalay arrin Culus ayaa igu dhacday, makuu sheegaa?. waxa ey igu tiri: Soo gal gudaha, kadibna Albaabka xiro, kadibna Kastuumada iska bixi, kadibna Adiga oo qaawan soo dhawoow, kadibna igu soo kor fadhiiso, shanqartaada yaan banaanka laga maqal, kadibna tartiibkaa u raaxeeyso…… mar kale dib u akhri maxey igu tiri.
( Acuudu Bilaahi, ma waxaad is tiri: Xalay odaygii ma waashay?.Ma waxaad u maleysay in Qof i wacay?. Maya. waa Musqushii. waxaad gashay Musqushii, Albaabkii ayaad xiratay, kadibna kastuumadii ayaad iska siibtay, kadibna Godkii Suuliga ayaad ku fadhiisatay, shanqartii ayaad yareysay, kadibna Tartiib ayaad u raaxeysatay… weligaa Go’aan ha ku deg degin Adigoon Akhriska dhameeyn ama aan fekerin, weliba haddii aad tahay Arday Cilmi baaris sameynayo, Jawaabaha lagu siiyo midna ha tuurin ilaa aad hubsato la wareystuhu waxa uu ula jeedo, Somaliyeey Go’aan fudeydaka iyo Comment fudeydaka iska dhaafa) ( F.S: 1aad).
2..Mr. Jin Wung oo ahaa, Nin Shineesa oo taajir ah ayaa Dalbaday Darwal “Robot” ah Mashiin Dadeed, oo Amarka la siiyo si sax ah u fulinayo oo aan khaldameyn in loo sameeyo. waana loo sameeyay. Maalin ayuu Mr. Jin ku yiri Robotkii : Tag isguulka ee ii soo qaad Caruurteyda. waa baxyay Robotkii, laakin aad ayuu u soo daahay, markii Dambe waa yimid isaga oo wado Caruur badan oo eyna ku jirin kuwiisii uu filayay.
Robotkii ayaa ku yiri: waa kuwaan Caruurtaadii. Caruurtaan uu soo qaaday 2 waxaa dhashay Xogheyntiisa, Labana Xaaskiisa saaxiibteed, midna waxaa dhalay Deriska.
Xaaskii Mr. Jin ayaa aad u carootay oo tiri: khaa’in ileeyn Caruurta Xaafadda oo dhan Adigaa dhalay. Mr. Jin ayaa Xaaskiisii ku yiri: is daji, ii sheeg muxuu uga soo tagay, kuweenii aad leheyd Adigaan kuu dhalay. ( F.S: 2aad).
( Markii Gudiyadii Dambi baarista Somalida la aamini waayay ayaa Robot loo dhiibay Liis Eedeysanayaal ah si uu u soo baaro, waxa uu yiri: Dambi waan ku soo waayay eedeysanayaashii, waxa uu keenay Liis kale , markii la Akhriyay Liiskii waxa uu noqday Magacyada kuwii u dhiibay Liiskii hore.
Caruurta Taajiriinta qaar iyo Liiska Siyaasiyiinta Qaar yaan Robot loo dirin, Haddii kale, Ceebta Alla ha asruro, ha leeys ilaaliyo Aakhirana Robot ka daranaa jirtee).
3. Cabdi ileey ayaa yiri: waxaan ag marayay Isbitaalka Dadka waalwaalan, waxa ey ku wada qeylinayeen 13,13, 13, 13. waxa aan Go’aansaday in aan ogaado waxa ey ula jeedaan 13,13. Darbiga Isbitaalku aad ayuu u dheeraa Gudahana lama arki karo, waxaan arkay Dalool yar oo darbiga ku yaal. ishii ayaan saaray si aan u fiiriyo Gudaha.
Mid waalan ayaa ishii qoray iiga muday. waxa ey bilaabeen in ey ku qeyliyaan 14,14,14. ( F.S: 3aad).
( Siyaasiyiinta Somalidu waxay ku qeylinayaan Doorasho Cadaalad ah. inta is tiraa Cadaaladaa jirtee Raadi yaan isha lagaa mudin oo ha noqon ileygii 14aad).
4. Maxaay kala yihiin Jaceeyka Raaliyada iyo dhimashadu. Jaceylka Raaliyadu waa marka Xaaskaagu ey kuu timaad Adiga oo qaawan oo Naag kale la joogo oo ey ku tiraa Babe, ha baqin iska dhameeyso ee i soo raac. Kaas ayaa jaceylka Raaliyada la yiraa.
Dhimashaduna waa marka aad isku raacdo.
( Raggoow, ma waxaad Rabtiin Dumar raaliyo ah, Adinku marka hore Raaliyoow ma tihiin, Naag aad khayaanee Raaliyo kuu noqon meeyso).
5.. Nin ayaa Xaaskiisa mar kasta oo uu Dambi ka galo, wax jawaab ah kama bixso, in kasta oo Wajigeeda uu xanaaq ka muuqdo, wax yar kadibna waxa uu arkaa iyadii oo iska faraxsan. Waxa uu ku yiri: Sideed Carada isga baa’bisaa?. waxa ey ku tiri: Markii aad iga careeysiiso Musqusha ayaan galaa si aan u nadiifiyo. waxa uu ku yiri: Ma Musqusha oo la nadiifiyo ayaa Carada Daawo u ah ?. Waxa ey tiri: Marka Ciilkaagu iga bato, oo aanan wax kugu sameeyn karin, Waxa aan Nadiifiyaa Godka Saxarada, waxaana ku nadiifiyaa Buraashaka aad ku cadayeeysato Afka si aan kaaga aar gudsato. kadibna Carada ayaa i deeyso.
( Ar dumarka lagama adkaa karo ee yaan laga Careysiin, Haddii kale Naaneystaadu waxay noqonee, Af xaar ).
6. Haweeney ayaa tiri: Maalin Aniga oo Bataati badan soo cunay ayaan Guriga imid. Ninkaaygii ayaa Iridda iga furay. Waxa uu igu yiri: Maanta waa xuskii Arooskeena waxaan kuu diyaaray Qado iyo “Surprise” Farxad kadis ah. Waxa uu iga xiray indhihii waxa uu igu fashiiaiyay kursi yiil Qolka Qadada, waxa uu igu yiri: iga ballan qaad indhaha haka furin Marada aan ku xiray muddo 4 Daqiiqo ah inta aan Cuntada Kushiinka ka soo qaadayo, waan ogolaaday.
Hal Daqiiqo kadib ayaa Duuso i qabatay oo Bataatigii ayaa Caloosha iga qasay, waxa riday Hal dhuuso, shanqarta ka sokoow, Urkeeda Annigii ayaa xamili waayay. mar kale ayaan Riday Labo xiriir ah, Sanka ayaan qabsaday, Daqiiqadii 3aad ayaan si is Daba joog ah u riday oo Qolkii uu is bedelay Anigiina Neeftii ayaan isku celiyay, Sankiina waan qabsaday. Daqiiqadii 4aad ayuu soo galay Miiskii ayuu Cuntadii saaray, waxa uuna yiri : Haddaan kaa furayaa ee Arag Surpriseka.
Maradii indhaha iiga xirneed ayuu iga furay. Horteeyda waxaan mar kaliya ka arkay 12 Qof oo uu qadada ku casuumay oo kala ah, Waalidkeey, waalidkiis, walaalaheen iyo Saaxiibadeeyn oo Sanka wada heeysto.
( Somaliya 4 Sano oo kasta waxa ey aragtaa Madax Wajiga ka daboolan oo eyna hore u aqoon, 4 Sano kadib waxa la arkaa Madaxda Wajigeeda Runta ah iyo Shacabkii oo Sanka wada heeysto)
Qore: Yahya