Will dhalinyaro ah oo isku daldalay gudaha Magaalda Burco.

Maydka Wiil dhalinyaro ah oo  isku daldalay badhtamaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa laga helay magaalada.

Ciidamada booliska ammaanka ayaa  Cisbitaalka Guud ee Burco keenay  isla markaana  geliyay talaagadda maydka.

Booliska Somaliland waxay sheegeen in baaritaano ay ku sameyn doonaan sababta keentay in wiilkaan dhalinyarada ah uu is daldalo.

Dhacdooyinkaan ayaa kusoo laab laabtay degaanada Somaliland, waxaana jira dhowr jeer dhowr qof oo isku daldalay degaanada maamulka Somaliland.

Booliska Somaliland ayaa lagu waddaa inay warrbaahinta la hadlaan maanta kadib baaritanada socda.