RW Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Jowhar+Sawirro

Jowhar:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah.

Wafdiga uu hoggaaminaayo raiisul wasaaraha,ayaa u kuur galaya saameynta ay fatahaadaha webigu shabeelle ku yeesheen magaalada,isagoo booqday goobaha uu ku fatahay wabiga sida Garoonka iyo hareeraha magaalada.

R/Wasaare Rooble,ayaa sheegay in ay sameyn doonaan gurmad biniaadanimo oo wax loogu qabaayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadaha.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka  mid ah Wasiirad Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka.