Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeybgalay dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada.

Muqdisho:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada dhaarinta golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu madaxweynahu magacaabay.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo weyn oo talaabo loo qaaday dib u habaynta Hay’adaha iyo Dowlad wanaaga.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Xukuumadahii hore iyo qaab dhismeedka Dowliga ah lagu jaangooyay hanaan dib u heshiisineed kaas oo la doonayo in hadda wixii ka danbeeya looga guuro hanaanka dib u qaabaynta Hay’ado xoog badan oo shacabka u adeega.

Gabo-gabadii Madaxweynaha Jubbaland ayaa  sheegay in Wasiirada Cusub ay horyaalaan waajibaad culus oo looga baahan yahay Wasaarada walba inay shaqada u taala oo kaliya ay xooga saarto.