Wararkii ugu Dambeeyay Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh oo lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho.

Is rasaaseen u dhaxeysa ciidanka Asluubta ee ku sugan agagaarka maxkamada gobalka Banaadir iyo ciidan ilaalada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka dhacday afafka hore ee Maxkamada Gobalka, iyadoo ay ka dhasheen khasaaro dhaawacyo ah.

Askarta ku sugan Kontaroolka Kawaanka Mallaayga ee degmada Xamar Weyne ayaa rasaaseeyay gaari aan xabad karin oo uu saarnaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxayna markaas jawaab kala kulmeen gaari Cabdi Bile ah oo la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waa markii 4-aad oo ay sanad gudihiis ciidanka Asluubta rasaaseeyaan wafdi halkaas maraya, waxaana ugu dambeeyay rasaastii lagu furay Madaxa dhaqanka Beelaha Mudullood.