Warar hordhac ah oo kasoo baxaya doorashada Somaliland.

Tirinta codadka ayaa ka socota guud ahaan degmooyinka Somaliland. Natiijada doorashada ee degma kasta waxaa ku dhawaaqi doonna guddiga heer degmo, ee ku kala sugan degmooyinka.

Natiijada doorashada ee heer gobol waxaa ku dhawaaqi doona guddiga doorashada ee heer gobol. Dhammaan sanaaduuqda codadka habeenimadii codeynta soo dhamaatey ayaa goob kasta lagu soo tiriyey.

Waxaa intaa kadib loo soo wada qaadey degmo kasta xarunteeda guud ee doorashada, oo iminka ay ka socoto dibu eegista sanaaduuqda cabashadu ka timid, iyo isu geynta sida loo kala helay sanaaduuqda codbixinta ee degma kasta.

Guddiga doorashada ayaa u xaqiijiyey wariyahayaga Sadiiq Bumad illaa iyo iminka iney soo dhameystireen natiijada afar degmo oo hordhac ah, kuwaasoo ah heer degmo, waxeyna kala ah Xudun, Gar Adag, Saylac iyo Lughaya.

Qoraal uu soo saarey goor dhaweyd guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in cid kasta oo aanan aheyn guddiga doorashada heer degmo, gobol ama dowlad, aaney cid kale xaq u laheyn iney shaaciyaan natiijada doorashada.

Digniintan ayaa si gaar ah looggu xusay mas’uuliyiinta dowladda iyo xisbiyada siyaasadda. Natiijada horudhaca ah ayaa laga yaabaa iney qaadato waqti ka badan intii la filayey, oo laga yaabo iney gaari karto illaa iyo bari.