wararkii ugu dambeeyay Tirinta codadka doorashada Somaliland oo weli socota.

Waxaa weli degaannada Soomaliland ka socda tirinta Codadka doorashadii Golaha Wakiilada iyo degaanka ee ka dhacday Maalin ka hor degaannada Maamulkaas, taas oo ay ku tartamayeen in ka badan 1,000 ( Kun) Musharax.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay.

Xog laga helay doorashada Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir. Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

In ka badan kun musharax oo u taagan Golaha Wakiilada iyo degaanka ayaa ku tartanayay doorashada, iyada oo kor joogto ay ka yihiin Wakiilo ka socda dalalka taageerada siiya Somaliland.