Heshiis la dhex dhigay Beelo ku dagaalamay daafaha Magaalada Baladweyne.

Waxaa maanta ka bilaabmay magaalada Beledweyne iyo tuulooyin hoostaga, dhaqan galka heshiis ay gaareen odayaasha labo beelood, oo dhawaan ku dagaalamay muran ka dhashay lahaanshiyaha dhul galbeed ka xiga Beledweyne.

Heshiiska laba dhinac ay gaareen ayaa waxaa kamid ah inaan muddo lix bilood ah aan la deegaameyn karin saddexda tuulo oo markii hore uu dagaalku ka bilaabmay, kuwaasoo kala ah Lug-Bari, Dabbaan iyo Baladu-nuur.

Dagaalka labada maleeshiyo beeleed dhex maray, ayaa waxaa ku dhintay dhawr iyo toban qof, waxaa ku bara kacay qoysas fara badan.

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka ah guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, isagoo sheegay in la dhaqan galinayo heshiis la gaaray.

Guddoomiyuhu wuxuu intaa ku darey in ganaax iyo cawaaqib xumo kale ay kala kulmayaan qoladii jabiso dhaqan galinta heshiiska.