Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga “Ciidanka XDS waa inay labalaabaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab..”

Baladweyne:-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda gaashaandhigga XFS xildhibaan Cabdulfitaax Qaasim ayaa kormeer shaqo kutagay taliska guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee xooga Dalka Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Baladweyne.

Wasiirka ayaa saraakiisha taliska kadhageystay xaaladaha Ciidanka, waxaana uu ku bogaadiyay howsha ay uhayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo faray inay sii laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka cadowga.

Mudane, Qaasim ayaa sidoo booqday xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyn, wuxuuna halkaasi warbixin ku aaddan maxaabiista uga dhageystay taliska xabsiga iyo xaaladaha ciidanka halkaasi ka howlgala.