Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug oo la kala diray.

Muqdisho:-Kusimaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha guddaha Maamulka Galmudug ayaa soo saaray wareegto lagu kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ayaa lagu sheegay sababta loo kala diray Guddiga iyo qodobada loo cuskaday kala dirkooda.

1: Kaddib Markay Caddaatay khilaafka ka dhex jira Guddoonka Guddiga iyo Xubnaha kale oo gaaray heer aad u sareeya;

2: Kaddib Markay Wada-shaqeyn la’aanta ka dhex jirta Guddoonka Guddiga iyo xubnaha kale
ee Guddiga iskuna khilaafay hab-raaca dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balanballe.

3:Kaddib Markaan arkay xadgudubyada lagu sameynayo qoraallada iyo hadallada Madaxda
sare ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

4: Kaddib Markaan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo Madaxda Galmudug, in la go’aan saday in la kala diro Guddigii Farsamada ee dhismaha golayaasha degaannada Galmudug.