Denmark oo lagu eedeeyay inay Maraykanka u Basaasto.

Dalalka Yurub, ayaa ku cambaareeyey dowladaha Mareykanka iyo Denmark basaasnimo, iyadoo si gaar ah Denmark lagu eedeeyey iney Mareykanka u jaajuusto.

Warbaahinta Denmark, ayaa sheegtay in ciidanka sirdoonka ee dalkeeda ay kala shaqeeyeen ururinta xogta iyo basaasnimada hey’adda ammaanka iyo sirdoonka Mareykanka intii u dhaxeysa 2012-kii illaa iyo 2014-kii.

Siyaasiyiinta ayaa ka yaabay arrintan. Waxaa ka mid ah ra’iisal wasaaaraha Jarmalka Angela Merkel oo kamid ah madaxda reer Yurub ee dalbanaya in loogga jawaabo warbixinada soo shaac baxey.

Sirdoonada dowadaha Mareykanka iyo Denmarka ayaa labaduba ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyey

Wasiirka gaashaandhiga ee Denmark, Trine Bramsen, ma aaney xaqiijin mana beenin warbixinta soo baxdey.