Deni oo Isku diiwaan geliyay codeynta doorashada maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta is diiwaangeliyay si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa iska diwaan geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho.

Deni ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga iyo saxaafada. Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.