Barnaamijka Warsan: Samme Bogad sida cudurka Covid-19 ay saameeyn ugu yeelatay sanad kadib shaqadiisa…


Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay markii caalamka si xowli ah ugu faafay xanuunka saf mareenka ah Coronavirus loona aqoonsaday xanuun calami ah. Wixii waqtigaasi ka dambeeyey guud ahaan waxaa is badal weyn ku yimid nolosha aadanaha gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo dha xorriyadda dhaq dhaqaaqa. Waxaa xanuunkani galaaftay nolosha malaayin qof oo caalamka ku nool.

Xanuunkani wuxuu sidoo kale abuuray hanaan cusub oo nolosha loola jaan qaadi karo. Waxaase hareer socda dhibaatooyin kale oo ku keenay nolosha. Hadda barnaamijkeenan Warsan Podcast Ayaan toddobaadkan ku eegeyna sida xanuunkani oo weli uu calaamka ka jiro si fududna ku faafa oo nolosheenna u sameeyey.

Waxaa barnamijka igala qeyb aadanaya oo aan qadka taleefanka kula xirriiray Samme Boga oo ah saxafi ka tirsan laanta afka soomaligga ee idaacadda Sweden, waxaana uu nooga waramay sidda xanuunkani sanad ka dib noloshiisa wax uga badalay.

La xirriir wixii tallo iyo tusaale ah oo barnaamijyada Warsan ku saabsan
Ikraamina@gmail.com