Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo dhigiisa dalka Pakistan oo yeeshay kulan qadka taleefanka ah.

 Moqdisho:-Gudoomiyaha aqalka sare mudane Abdi xaashi ayaa kulan qadka taleefanka kula yeeshay dhigiisa dalka Pakistan, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka .

Mudane Sadiq Sanjrani  Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka pakistan Ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa dalka somaliya mudane Abdi xaashi si uu u yimaado dalka pakistan isagoo sheegay in ay mudan tahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaliya  iyo pakistan.

Gudoomiyaha aqalka sare ee jamhuuriyada Federalka Soomaliya ayaa aqbalay casuumaada uu u fidiyay dhigiisa dalka pakistan,