Dowladda Kenya oo Heegan buuxa gelisay Ciidamadeeda iyo Cabsi laga qabo weeraro kaga yimaada Al-Shabaab.

NAIROBI:-Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ee dalkaas heegan la geliyay baqdin laga qabo weerarro ay dalkaas ka geystaan al-Shabaab awgeed.

Heeganka laamaha ammaanka Kenya ayaa yimi kaddib markii maalmo ka hor ay kooxda al-Shabaab toban qof ku dishay gudaha dalkaas.

Wargeyska Nation Africa ee dalka Kenya ayaa ku warramay in al-Shabaab ay dileen 13 qof oo 10 kamid ah ay yihiin ciidamada dowladda.

Wageyska ayaa intaas ku daray in warar sirdoon oo la helay ay muujiyeen in si aad ah loo adkeeyay ammaanka ismaamullada Lamu, Mandheera iyo Garrissa cabsi laga qabo in al-Shabaab ay beegsato ciidamada ku sugan deegaannadaas awgeed.

Xogo dheeri ah oo la helay ayaa sheegaya in cabsi laga qabo in al-Shabaab ay weerar la damacsanyihiin Ismaamulka Gaarissa iyo keynta Boni ee gobolka xeebta.

2011-kii ciidamada Kenya oo ka jawaabaya weerarro dhowr ah oo al-Shabaab ay ka geysatay Kenya ayaa sababay in ay ku biiraan Howgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.