Maamulka Puntland oo sheegay in la dilay saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Daacish

Wararka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ee PSF, ayaa ay hawlgal qorshaysan ku dileen sarkaal ajnabi ah, oo ka tirsan Daacish ee ku sugan Gobolka Bari.

War kooban oo ka soo baxay Ciidamada PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan, islamarkaana kamid ahaa saraakiisha sare ee Daacish.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalka laga fuliyay togga Il-cameyra ee buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, waxa sidoo kale lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish,

Sidoo kale, waxa hawlgalkaas lagu burburiyay xaruntii dhexe ee kooxda Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.